Taariikhda magalada saylac
Saylac (; ) waa magaalo xeebeed taariikhi ah oo ku taala gobolka Salal ee dalka Somaliland. Magaalada waxay ku taalaa waqooyi-bari Gobolka Awdal, waxayna aad ugu dhowdahay wadanka Jabuuti oo u jirtaa ilaa 120 km. Magaalada Seylac oo ah mid qadiimi ah oo aad u taariikh dheer ayaa wakhti xaadirkan magaalo-madax u ah gobolka Selel oo ah gobol cusub ooy magacaabtey dowlada Somaliland. Seylac waxaa loo aqoonsan yahay ineey jirtey tan iyo wakhti ka horeeysay soo bixitaanka diinta Islaamka, midaasi oo ah goobaha ugu taariikhda dheer qaarada Afrika, iyada oo ay ku yaalaan meelo fara badan oo taariikhi ah hase yeeshee ka turjumaaya taariikhda geeska Afrika gaar ahaan tan Soomaalida. Waxa laga soo xigtey sahamiyayaal Roman iyo Giriig ah in qarnigii 1aad Sey|lac dhisneyd isla markaana lahayd maamul caasimadeed iyo hogaan heer sare ah. Tan iyo horaantii soo bixitaanka diinta Islaamka magaalada Seylac waxay ahayd hooy waxbarasho, ganacsi, dhaqan, ilbaxnimo, xadaarad iyo maamul boqortooyo. Qiyaastii qarnigii 7aad ilaa 8aad ayaa diinta Islaamku ku soo fidey magaalada Seylac oo wakhti kooban ku noqotay hooyga diinta ee guud ahaan qaarada Afrika, gaar ahaan gobolka geeska Afrika.
Qore cumar xuseen nuur
Phone 0634624543
Comments
Post a Comment