Xasan Muumin () (dhashay 1931 - geeriyooday 16 Janaayo 2008) wuxuu ahaa abwaan , ruwaayadiiste , halabuur , laxanmiiste , qoraa, muusigyahan aad loogu aqoonsaday horumarinta Fanka Soomaalida wakhti dadku aqoon badan u lahayn fanka. Abwaanku wuxuu ku dhashay magaalada qadiimiga ah ee Saylac goor lagu qiyaaso 1931kii wuxuuna ku geeriyooday magaalada Oslo ee wadanka Norway sanadkii 2008dii. Abwaanku wuxuu ku aasan yahay magaalada Borama . [1] Xasan Sheekh Mumin حسن الشيخ مؤمن Ku dhashay Janaayo 1, 1931 ( 91jir) Saylac , Awdal , Soomaaliya Dhimasho Janaayo 16, 2008 Oslo , Norway Ku aasan Borama , Awdal Qoomiyada Soomaali Dhalasho Soomaaliya Shaqada Abwaan , Qora , laxanmiiste , halabuur , muusigyahan Sanadaha Shaqada 1970kii ilaa 2000 Ka tirsan Hobolada Waaberi Loo yaqaano Shabeel-Naagood, tiyaatarka S...